Farqiga U Dhaxeeya Maamulka Shariif Xasan Iyo Maamulka Jubbaland Ee Taageerada Xagga Beelaha Dagaalada Kula Jira Maleeshiyada Alshabaab (Warbixin)

Maamulka Jubbaland ayaa is garab taag iyo taageero xoogan u muujiyey Beesha Cowr-male oo ka mid ah Beelaha dega Gobolada Jubbooyinka, waxaana Beeshaas ay dagaal kula jirtaa Maleeshiyada Alshabaab ee sida xaq darada ah ku baneysatay hantida iyo dhiigga shacabka.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa hub iyo saanad kaloo milateri u qeybiyey Ciidamada Beesha Cowr-male ee dagaalka kala hortagay Alshabaab, waxaaana saraakiisha ay si joogta ah warbaahinta uga sheegtaan guulaha Beesha ay ka gaarto dagaalka Alshabaab.

Madaxda Maamulka Jubbaland ayaa hadal uu jeediyey ku sheegay inay is garab taagayaan Beelaha go’aan ku qaata inay la dagaalamayaan Maleeshiyada mayalka adag ee Shabaab oo dhibaatooyin joogta ah ku haaya Shacabka ku dhaqan deegaanada ay maamulaan.

Dhinaca kale Maamulka K/galbeed oo uu madaxweyne ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku fashilmay in wax isgarab taag ah ay u sameeyaan Beelaha kasoo jeeda Gobolka Shabeelada hoose oo diiday inay xoolahooda ay xoog ku qaataan Alshabaab.

Gobolka Shabeelada hoose waxa dagaal uu u dhaxeeyaa Beesha Biimaal iyo Maleeshiyada Alshabaab, Maamulka Shariif Xasan ayaa si muuqata u gabay howshiisa, waxaana Beesha Biimaal uu ku taageeri waayey la dagaalanka Alshabaab.

Maamulka Shariif ayaa tallaabadii laga sugaayey ee uu ku taageeri lahaa Beelaha kacdoonka u weeciyey inay garab istaagaan Mooryaanta kasoo duushay Gobolada dhexe ee taageera Alshabaab.

Dhaqankan ayaa muujinaya in Maamulada ku dhismay habka fedaraaliisamkaee ka jira dalka inuu ugu liito Maamulka hogaankiisa uu haaysto hogaamiye kooxeed Shariif Xasann, oo aan kala jecleyn inay lala dagaalamo Alshabaab iyo inay sii haaystaan deegaanada Maamulka hoos yimaada .

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open