Gaari Loo Diyaariyey Soo Dhaweynta Farmaajo Oo Qarax Lagu Soo Xirey

Mid ka mid ah gaadiidka loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa lagu arkay qarax.

Gaarigan oo ka mid ahaa kuwo loo diyaariyey in lagu soo dhaweeyo Farmaajo ayaa xalay xilli dambe la arkay isagoo qarax ku xiranyahay, waxaana arintaas ay keentay in shaki uu soo kala dhex galo ilaalada Guriga iyo xubnaha qaabilsan ololaha soo dhaweynta.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah Saraakiisha qaabilsan ammaanka Goobta ay ka dhaceyso soo dhaweynta Gaariga ayaa la qabtay xilli uu ka yimid dhinaca Garoonka Aadan Cadde gaar ahaan Hotel Jasiira, waxaana gaariga la qabtay xilli uu maraayey baaris.

Gawaarida iyo dadka guriga Martida galaayey ayaa dhamaan la marsiinayey baaris, waxaana saas lagu ogaaday in mid ka mid ah Gaadiidka uu ku xiranyahay waxyaalaha qarxa, iyadoo Ciidamada Miina baarista markii dambe ay ku guuleysteen in ay furaan Miinada.

Mid ka mid ah saariikiisha amaanka ee Guriga Farmaajo ayaa sheegay inay wadaan Baraitaan ku aadan cidda qaraxan soo abaabushay iyo ujeedada ka dambeysa.

Magaalada Muqdisho seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ka socday dibadbaxyo ay dhigayeen Shacab badan oo taageersan Musharax Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo saacadaha soo aadan magaalada Muqdisho kaga dhawaaqi doona inuu u taaganyahay Tartanka.

Warar jira oo sheegay in Maxamed Cabdilaahi Farmaajo laga wareejiyey Gurigii horey loogu diyaariyey in la dejiyo, waxaana arintaas ay keentay in amaankiisa loo baqo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran