Hogaamiyeyaasha Madasha Oo Go’aan Ka Gaaray Khilaafka Aqalka Sare Ee Gobalada Waqooyi Iyo Lacagaha Laga Qaadayo Murashaxiinta

Hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga qaran oo maalmihii lasoo dhaafay shir ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa go’aanno ka gaaray khilaafaad bilihii lasoo dhaafay ka taagnaa arimo la xiriira doorashada.

Ugu horeyn Madaxda ayaa isku raacay in doorashdada Afahayeenka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya ay la qabto Bisha Janaayo, doorashada afahayeenka Baarlamaanka ayaa lagu heshiiyey in ay dhacdo 5-ta Janaayo halka Madaxweynaha la qaban doono 22-ka Janaayo ee sanada soo aadan.

Dhinaca kale Madaxda ayaa waxay go’aan ka gaareen muranka ka jirey doorashada xubnaha aqalka sare ee Beelaha Waqooyi waxaan lasoo jeediyey Maamulka C/weli Gaas hal xubin laga siiyo tirada Xildhaanada aqalka sare taas oo laga soo dooran doono Beesha Warsangeli /Daarood.

Qodobada kale ee laga heshiiyey ayaa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan sida laga yeelayo Xildhibaanada muranka ku jira doorashadooda ee lagu soo doortay magaalo Madaxyada Maamul Goboleedyada dalka ka jira, waxaana jira warar sheegaya in Xildhibaanada sidooda loo daayo taas oo ka micna ah in wax isbedel ah aan lagu sameyn xildhibanaada lasoo doortay.

Qodobka kale ee leysku haayey ayaa ahaa lacagah laga qaadayo Murashaxiinta u taagan tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo tirada Xildhibaan ee u saxiixeysa murasha, Madaxda Madasha ayaa soo jeediyey in Murashaxiinta laga qaado lacag gaareysa ilaa 30 kun oo doolar iyo inay usoo saxiixaan xildhibaano gaaraya ilaa 20 mudane.

Waxa dhici karta inay wax iska bedelaan  qodobada sida hordhaca ah looga soo saaray Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo shirkoodii ugu dambeeyey uu ka socdo magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open