Maamulka Khaatumo Oo Ka Hadlay Kulamo Ay La Qaateen Madaxweynaha DDS Oo Shalay Gaaray Buuhoodle

Maamulka Khaatumo ayaa waxa ka warbixiyey kulamadii shalay magaalada Buuhoodle ay kula qaateen Madaxweynaha Maamulka dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Mas’uuliyiinta Khaatumo ayaa faafaahiyey kulamo iyo wadtashiyo ay la qaateen Wafdiga Maxamed Cabdi Cumar, waxaana ay sheegeen in ay ka wadada hadleen sidii iskaashi loogu sameyn abaarta saameysay dadka iyo duunyada.

Gudoomiyaha Golaha deegaanka Buhoodle C.fataax Cali Cawil ayaa sheegay in kulamada dhinac looga hadlay Iskaashiga  labad dhinac, Sidoo kalana waxaa kulamada looga hadlay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka danyarta ah.

Madaxweynaha dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay deegaano hoos taga magaalada Buuhoodle kulamo kula qaatay Odayaal, Cuqaal iyo indheer garadka, Deegaano hoos taga Buuhoodle ayaa waxa ka jira Abaaro saameyn baahsan ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran