Murashax Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Oo Fariin U Direy Murashaxiinta Uu Taagan Xilka Madaxweynenimo Ee Soomaaliya (Video)

Murashax Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Faarmaajo oo maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ayaa hadalo kala duwan ka jeediyey Goobtii ay soo dhaweynta ka dhacday, Ugu horey Farmaajo ayaa u mahadceliyey Shacabkii tirada badnaa ee soo dhaweynta u sameeyey, xubnaha ololaha qaabilsan iyo Ciidamada sugayey amaanka.

Waxa uu sheegay in maanta wixii ka bilaawda uu yahay Murashax Madaxweyne islamarkaana uu u taaganyahay tartanka doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee dhawaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale wuxuu u hambalyeeyey Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegantahay sanad guuradooda, isagoo ku amaanay dowrka firfircoon ee ay ka qaateen sugidda Amniga Muqdisho.

Ugu dambeyn Maxamed Farmaajo ayaa fariin u direy murashaxiinta u tartameysa xilka Madaxtino, wuxuu ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan Shacabka Soomaaliyeed ayna ka tagaan taageero ka raadinta dowladaha shisheeye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open