Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Musharx Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sake waxa uu kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa kusoo dhaweey Siyaasiyiin iyo taageerayaal badan kuwaas ku sugayey Gudaha iyo banaanka Garoonka.

Soo dhaweynta Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa laga dareemay Wadada Gasha Garoonka ilaa guriga laga dejiyey Muqdisho, waxaana hareeraha wadada ku sugaayey Shacab taageero xoog leh u muujiyey musharaxa.

Maxamed Farmaajo oo mar Ra’isalwasaare kasoo noqday Dowladii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loo arkaa mas’uul taageero badan ku leh bulshada, waxaana la filayaa in magaalada muqdiho uu kaga dhawaaqo inuu u taaganyahay tartanka xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE