Ninkii Dilay Safriirka Ruushka Ee Dalka Turkiga Oo La Aqoonsaday Iyo Vladimir Putin Oo Ku Baaqay In La Cadeeyo Sababta Dilka Keentay (Sawiro)

Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga waxa xalay lagu toogtay Safiirkii dowlada Ruushka u fadhiyey dalka Turkiga, waxaana dilkaas uu dhacay xilli safiirka uu booqanayey goob lagu soo bandhigayey sawirada farshaxanka.

Ninka dilka oo lagu magacaabo Mevlut Mert Aydintas ayaa goor dambe oo xalay ah la aqoonsaday waxaan la sheegay in ka tirsanaa Ciidamada Boliiska gaara ahaan kuwa ka hortaga rabshada, kaas ay duubeen kaarmirooyinka goobta looga shaqeenayey.

Waxa la sheegay in ninkan uu iska soo dhigay ilaalada Madaxda, waxaan goobta xafladauu kasoo galay Kaaraka Aqoonsiga ee Boliiska, Wasiirka arimaha dibada ee dalka Turkiga Suleyman Soylu ayaa tilmaamay gacan ku dhiiglaha Safiirka Ruushka dilay uu mid ahaa Boliiska hase ahaatee muddo laba sano ka hor uu shaqada fasax ka qaatay.

Madaxwaynaha Dawlada Ruushka    Vladimir Putin  ayaa  Ka hadlay Weerar Lagu dilay Safiirkii Dawlada Ruushka u Fadhiyey Dalka Turkiga, Wuxuuna sidoo kale dalbaday in la Cadeeyo cida uu Amarka ka qaadanayey Ninka dilka gaystay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE