Xildhibanaada Labada Aqal Ee Laga Soo Doortay K/galbeed Oo Kasoo Dhuuntay Magaalada Baydhabo

Xildhibanaad labada aqal Baarlamaank fedaraalka ee laga soo doortay Maamulka Koonfur galbeed ayaa bilaabay inay Boorsooyinkooda kasoo qaataan Magaalada Baydhaba.

Warar aan ka heleyno Baydhaba ayaa ku waramaya in xidlhibanaada ay kasoo dhuunteen Madaxweynaha K/galbeed oo codadka xildhibaanadaas ku raba inuu macaasha badan kaga qaato musharxiinta u tartameysa xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Xildhibaanada oo markii Baydhabo loogu qabto xaflad ka dib ayaa wax loo sameeyey Group Whatsapp ah si looga wada hadlo hadbo wixii soo kordha, inta badan xidhibaanada waxay lefti ka qaateen Groupka.

Xogta la helayo ayaa cadeeneysa in xidlhibaanada lagu soo doortay Baydhabo ay intooda badan ka baxeen xeydaabka Shariif oo xiriiro hoosaadyo ay la sameeyeen musharaxiinta kale dooneysa inay xilka Madaxtinmo kusoo baxaan.

Arintan ayaa lagu tirin karaa guul daro siyaasadeed oo soo wajahday Madaxweyanaha Maamulkiisa dhaafi la’yahay Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran