Askar Ka Tirsan Kuwa Dowlada Oo Wiil Dhalinyara Ah Ku Toogtay Isgoyska KM4 Ee Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in Askar ka tirsan kuwa dowlada ay dileen Wiil dhalanyara ah.

Wiilka ay toogteen Ciidamada dowlada ayaa lagu waramayaa in uu watay Mooto Bajaaj kaas oo ay la sheegay in uu muran dhex maray askariga toogtay, waxaana la sheegay in wiilkaas iyo askariga dilka geystay ay ku murmeen lacago canshuuraad ah.

Goob joogayaal goobta ku sugnaa ayaa sheegay in askariaga uu si bareer ah rasaas ugu furey Wiilka watay Mooto Bajaajta, waxaana dadka ay isku dayeen in ay dhaawac ahaan ugu qaadaan Goobaha Caafimaadka si loogu daaweeyo hase haatee Goobta uu ku geeriyooday.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka ee Magaalada Muqdisho oo ku aadan dilka wiilka dhalinyarada ah ee ku xamaalnayey Mooto Bajaajta.

Ciidamada ka amar qaata dowlada Fedaraalka ee Xasan Sheekh ayaa inta badan si bareer ah u dila dhalinyaro ku xamaalata Mootooyinka Bajaajta, mana jiraan cid wax u qabata Ehelada marxuumiinta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open