Beesha Caalamka War Deg Deg Ah Kasoo Saartay Shirka Madasha Ee Ka Socda Magaalada Muqdisho

Warsaxaafadeed si wadajir ah ay usoo saareen  Wakiilada Beesha caalamka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul looga hadlay shirarka Madasha Wadatashiga ee ka socda Muqdisho iyo Musuqmaasuqii hareeyey 24 Kursi oo kamid ahaa xubnaha Aqalka hHoose ee dawlad Gobaleedyada ka dhacay.

Wakiilada Caalamiga ah ee saxiixay Warsaxaafadeedkan oo kala ah Qaramada Midoobay,Midowga Yurub,Urur Goboleedka IGAD,Ethiopia, Italy, Sweden, United Kingdom iyo Maraykanka ayaa uga digay Hogaamiyaasha Madasha in ay ka weecdaan dhabihii horEy loogu jeexay inay ku qabsoonto Doorashada Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa sheegay inay si dhow ula socdeen howsha Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka, iyo toosh ku iftiiminta wararka la xariira in wax isdaba marin qatar ah oo dhacdey intii lagu guda jirey hanaanka doorashada, ee la sameeyey musuqmaasuq, Cabsi galin, Afduub, iyo iyadoo lagu tagri-faley ergada lasoo qorey laguna guul dareystey in loo hoggaansamo sidii loo baahnaa in loo raaco hanaanka qoondada kuraasta dumarka.

Beesha Caalamka ayaa codsanaysa in sharaxaad laga bixiyo sida 24 kursi oo markii hor la galiyey in dib u eegis lagu sameeyo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ugu soo koobeen oo kaliya 11.

Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqdey in Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay mas’uul ka yihiin in ay banaanka soo dhigto Xaqiiqda ku dahaaran iyo sida looga saarey kuraasta qaarkood, qaarkoodna looga diidey liiska dib ugu celinta doorashada.

Xubnaha Beesha caalamka waxaa kale oo ay xaqiijiyeen hoggaamiyaasha Madasha Qaran iyo Guddiga Xalinta Qaliifaadka in Aragtida, iyo qotada kala aragti duwaanshiyahooda aanan la daah-rogin ay noqonayaan kuwa Saldhig u noqda go’aanka gaarista natjiiada doorashada ee waxba kama jiraan lagu tilmaamey ee dib loogu noqonayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open