Ciidamada Amniga Magaalada Boosaaso Oo Wada Howlgallo Amniga Lagu Xaqiijinayo

Ciidamada Amniga ee magaalada Boosaaso ayaa wada howlgalo ay ku baadi-goobayaan gacan ku dhiiglayaashii xalay dilka u geystay Agaasimihii Madaxtooyada magaalada Boosaaso Aadan Gaas Huruuse oo ay dileen kooxo hubeysan.

Ciidamada ayaa xalay iyo saakaba howlgalo ka sameeyey xaafado kala gedisan oo kuyaala magaalada Boosaaso, waxayna ay soo qabteen dad looga shakisan yahay in ay arrimahan lug ku leeyihiin.

Ciidamada amniga ayaa sidaas oo kale xalay bilaabay in ay baro cusub ka sameystaan xaafaddaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka feejigan falal amaan darro oo laga sameeyo gudaha Boosaaso.

Saraakiisha ciidamada Amniga ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan wixii ay soo qabteen, marka ay dhamaadaan howlgallada, ayagoo sheegay in ay wali wadaan baaris dhameystiran oo ay ku ogaanayaan cidii ka dambeysay dilalka Boosaaso.

Kooxda Al- Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labo dil oo ka dhacay magaalada Boosaaso, laakiin shaki badan ayaa ka taagan sida ay tahay xaaladda Amniga ee Boosaaso, waxaana saacadihii ugu dambeeyey la kordhiyey ciidamada jooga magaalada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran