Dhageyso Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal U Dhaxeeya Alshabaab Iyo Dadka Deegaanka Oo Ka Dhacay Gobolka Jubada Hoose

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa shan ruux oo xoolo dhaqato ah ku diley meel 75 km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dagaalkan ayaa ka dambeyey kadib isku dhacyo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhashay qaadista Xoolo ay Al-Shabaab ku sheegeen Sakawaad.

Dadka xoola dhaqatada ah oo taageero ka helaya Maamulka Jubbaland iyo Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer oo sii horeysay iska caabiyay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday.

Mid ka mid ah Xildhibaanada aqalka sare ee Soomaali kaas oo laga soo doortay Maamulka Jubbaland ayaa sheegay ayaa Wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open