Isbitaal Loogu Talagalay In Lagu Dabiibo Ciidamada Dowlada Fedaraalka Ayaa Maanta Laga Furey Magaalada Beledweyne (Sawiro)

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxa laga furey Isbitaal cusub oo loogu talagalay in lagu dabiibo Ciidamada Dowlada Fedaraalka.

Dhismaha isbtaalkan ayaa waxaa iska kaashad inay Ciidamada dalka Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo Taliska Ciidanka ee Wasaarada Gaashaandhiga, Munaasabada xariga looga jaray Isbitaalkan ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey Saraakiil ka kala tirsan Ciidamada dowladda & kuwa dalka Jabuuti.

Taliyaha Ciidanka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhismaha isbitaalka ay iska kaashadeen Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya,wuxuuna tibaaxay in Ciidamada ay Mushaharkooda qayb ahaan ka jareen si loo hirgaliyo Cisbitaalkan.

Madaxa Hogaanka Caafimaadka Ciidanka xoogga ee Gobolka Hiiraan Liibaan Xuseen Cismaan ayaa tilmaamay iney go’aansadeen iney isku tashadaan,wuxuuna intaa hadalkiisa raaciyey in Ciidamada Jabuuti ay yihiin dad Soomaaliyeed oo u diirnaxaya walaalahooda Soomaaliyeed.

Maxamed Cilmi Habane taliyaha qaybta 4-aad ee Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in dhismaha isbitaalkan ay daliil u tahay  horumarka ay ku tallaabsadeen ciidanka xooga, wuxuuna ammaan usoo jeediyey Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE