Kusimaha Madaxweynaha K/galbeed Iyo Mas’uuliyiin Kala Duwan Oo Maanta Booqday Xeryaha Barakacayaasha Ee Ku Yaala Baydhaba (Sawiro)

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka K/galbeed ahna wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka magaalada Baydhaba ayaa kormeer ku tagay xeryaha Barakacayaasha ee ay ku jiraan dadka ay saameysay Abaarta.

Wasiir Fiqi, Wasiir Madoobe Nuunow, iyo Gudoomiyaha Maamulka Magaalada Baydhaba ayaa tagay Xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay, xilli ay jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada ay ka jirto deegaano ka tirsan K/galbeed.

Mas’uuliyiinta ayaa si wada jir ah uga dalbaday hey’adaha Samafalka inay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan Shacabka dhibaateysan, waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen dowlada Fedaraalka inay xil iska saarto dadka ay mas’uulka ka tahay oo la daalaa dhacay dhibaatooyin kala duwan.

Boqolaal Qoysas ah oo ka soo barakacay Degaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa maalin weliba kusoo dega Xeryaha Barakacyaasha ee Magaalada Baydhabo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran