Madaxii Xoola Aruurinta Alshabaab Ee Gobolada Jubbooyinka Oo Isku Dhiibay Maamulka Jubbaland

Madaxii xoola aruurinta ee Alshabaab u qaabilsanaa Gobolada Jubbooyinka ayaa iska dhiibay deegaanno ay maamulaan Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Maxamed ayaa iska dhiibay deegaanka Cabdalle Biroole ee Gobolka Jubada hoose, waxaana halkaas ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Ninkan ayaa lagu waramayaa in maalmihii lasoo dhaafay dagaalo culus uu kala kulmay Ciidamo dadka deegaanka ah oo si xoog ah ay kaga qaadayeen xoolahooda, kuwaas oo ay ku sheegeen Sakawaad.

Deegaanka Cabdalle Biroole oo galbeed kaga Beegan magaalada Kismaayo ayaa waxa weli ka taagan xiisad u dhaxeysa Beesha Cowr-male iyo Maleeshiyaad Shabaab ah.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE