Mexico: Qarax Ka Dhacay Suuq Lagu Iibiyo Baaruudda Oo Dad Badan Ay Ku Dhinteen

Qarax culus oo ka dhashay Baaruudda loo adeegsado in cirka lagu tuuro xiliga Christmas-ka  ayaa ka dhacay suuq lagu gaddo baaruudda oo ku yaalo magaalada Mexico ee dalka Mexico.

Waxaa qaraxan ku dhintay 32 qof iyo in ka badan 90 ruux oo isugu jiray dad goobta ka dukaamaysanayey iyo ganacsato iibinayey dukaamada baaruudda ama Buleerka.

Dadka dhaawacmmay oo ku jireen 13 caruur ah ayaa loo qaaday isbitaal ku yaal magaalada Galveston ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka taasoo xuduud la leh dalka Mexico.

Wali lama oga sababta keentay qaraxa, balse waxaa la aaminsan yahay in uu ka dhashay baaruud goobta lagu gadayey.

Toban sanno ka hor ayaa qarax kan la mid ah ka dhacay magaalo la yiraa Tultepec oo 32 KM u jirta dalka caasimada Mexico kaasoo ay ku dhinteen dad tiro badan.

Qaraxan waxaa ku basbeelay oo ku baaba’ay goobo badan oo ganacsi kuwaasoo ka agdhowaa meesha uu qaraxa ka dhacay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran