Meydka Safiirkii Ruushka Ee Ankara Oo Laga Dejiyey Caasimada Ruushka Ee Moscow (Sawiro)

Safriirkii dowlada Ruushka u fadhin jirey Caasimada dalka Turkiga ee Ankara oo laba maalin ka hor lagu toogtay goob sawiro lagu soo bandhigayey ayaa laga dejiyey mgaala Madaxda Dalka Ruushka.

Safiirka oo uu toogtay nin Bistoolad ku hubeysan oo ka tirsanaa Boliiska dalkaasi ayaa dilkiisa waxay si aad ah u gilgishay guud ahaa Caalamka, waxaana dilkaas uu noqday mid ka mid ah dhacdooyinka loogu hadal heynta badanyahay.

Diyaarad gaar ah oo ay iska leedahay dowlada Ruushka ayaa Safiirka loogu soo qaaday magaalada Ankara, waxaana laga dejiyey Caasimada Ruushka, Garoonka laga soo dejiyey ayaa waxa kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin iyo Ciidamo Garoonka kusii sugayey.

Safiirka ayaa diyaarada ka qaaday dalka Turkiga waxa kusii wehliyey Xaaskiisa iyo hooyada dhashay Andrei Karlov, Xaaska ayaa barooratay markii meydka diyaarada laga dejiyey, waxaana goobta ka kaxeeyey Eheladeeda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE