Somaliland Oo Beenisay In Saldhig Milateri Dowlada Imaaraadka Ka Dhisaneyso Berbera, Xaqiijisayna In Uu Jiro… (Video)

Xilli saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta ay qoreysay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowlada Imaaraadka Carabta ay kala saxiixdeen heshiis dhigaya in Magaalada Bebera saldhiga Milateri ay ka furtaan xukuumada Imaadka.

Farxaan Aadan Haybe Wasiirka Duulista iyo hwada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Beeniyey in uu jiro heshiis dhinacayada ay kala saxiixdeen hase haatee waxa xaqiijiyey in uu socdo wadahadal arinkaasi la xiriira, waxaana uu meesha ka saaray in is faham laga gaaray arimaha la xiriira saldhiga Milateri ee laga furayo Berbera.

Wasiirka duulista iyo Hawada Somaliland ayaa dhinaca kale sheegay hadii uu hirgalo heshiiskaas in Jamhuuriyadda Somaliland ay fursado ugu jiraan, isagoona sharaxaad ka bixiyey fursadaha halkaasi ay ka heli karaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran