Akhriso Xildhibaano Cusub Oo Kasoo Jeeda Beelaha Waqooyi Oo Maanta Lagu Dooortay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa ka socda doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Doorashada oo markan ku dhow heer gabagaba ah islamarkaana ka socota xarunta Gaadiidka Booliiska ayaa waxa maanta ku tartamay xildhibaano horey u haayey xilka iyo kuwo doonayey inay kasoo muuqdaan siyaasada dalka.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa mar kale ku guuleystay doorashada Kursiga Aqalka Hoose ee Kursiga Beesha Ciidagale, Baha Deqsi, isagoo helay 47 cod, Xuseen Carab ayaana si aqlabiyad leh ugu guuleystay kursigaas, waxaana difaacday kursigiisa.

1- Beesha Ciidagale/ Danwadago Biixi Imaan Cige

2-Beesha Beesha Arab /Guulane Cabdirisaq Dahir Mohamud

3-Beesha Muuse Dhariyo

4-Beesha Siciid Maxamed Maxamud

5-Beesha Ciidagale/Baha Deqsi Xusen Carab Ciise

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE