Amisom Oo Qiratay In Askari Looga Qabtay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelada Hoose

Taliska Ciidamada AMSIOM ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen kaga hadlay wararka sheegaya in askari Ciidankooda ka tirsanaa looga qabtay Gobolka Shaeelada hoose.

Warka qoraalka ayaa AMISOM waxay ku qirteen in askari ka mid ahaa Ciidamada Degmada Nambar 50/ Aala-yaasir uu gacanta u galay Maleeshiyada Alshabaab ee xoogga ku joogta deenada Bariire iyo Awdheegle.

AMISOM waxay intaasi raaciyeen in ay wadaan baaritaano la xiriira sidii ay ku ogaan lahaayeen askariga ka maqan iyo meesha lagu haaysto, waxaana intaa ay ku dareen in ay wadaan dadaal ku aadan sidii gacantooda looga bixin lahaa Maleeshiyada Askariga ay qafaashay.

Warar soo baxaya ayaa xaqiijiyey in Askari ka tirsanaan Ciidamada AMISOM ee xerada ku leh Aala-yaasir ay howlgal u aadeen deegaano Koonfur ka xiga Degmada Nambar 50, waxaana askariga la sheegay in uu ka lumay Ciidamada Saaxiibadii ee uu la socday.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa shalay Gelinkii dambe askari ka tirsanaa Ciidamada Uganda kusoo bandhigay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada hoose, waxaana ay sheegeen in askarigaasi lasoo qabtay xilli ay sameenayeen howlgallo gaar ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran