Wasaaradda Haweenka K/galbeed Oo Dood Cilmiyeed U Qabatay In Ka Badan 100 Haween Oo Kasoo Jeeda Deeganada Maamulka (Sawiro)

Wasaarada Haweenka Koonfurgalbeed ayaa dood cilmiyeed kusaabsan hanaanka federaalka iyo doorka ay kuleeyihiin haweenka uqabatay 100 haween laga soo kala xulay xafiisyada shaqaalaha, xafiisyada dowlada, Police-ka, ururada bulshada, ururada iskaashatada haweenka iyo arday jaamacadaha iyo barayaasha haweenka ee ka hoowlgala deegaanada koonfurgalbeed.

Wasiiradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka K/galbeed Marwo Binti Ibraahim Cali ayaa daahfurtay aqoon isweydaarsiga iyadoo ku ku dheeraatay ku hadalka hanaanka geedi socodka nabada Soomaaliya doorka ay ku lahaayeen haweenka sidoo kalena xustay in federaalkaba uu kayimid hooyada Soomaaliyeed.

Marwo Binti ayaa arintaas sharaxaad ka bixisay waxaana ay sheegtay in Hooyo kasta ay dhasho Toban caruur ah oo kala aaba ah taasna waxay kutuseeysaa in hooyada ay hooy utahay midnimada iyo wadajirka Umada Soomaaliyeed.

Dhainaca kale Wasiirad Binti ayaa ku buurisay haweenkii kasoo qayb galay kulanka in ay ku dhiiradaan ka qayb galka Siyaasada dalka iyo Hiigsiga hanaanka Maamul daadajinta ee federaalka, waayo hadii Goloha deegaanka ay timaado waxaa sanduuqa ladhigayaa dagmada tirada raga iyo dunarkana %70 waa dumar gabadha iyo wiilka tartama waxaa guuleeysanaya cidii cod dheeri latimaada 70 hadeey ucodeeyaan haweenka waxaa meeshaas ka baxeeysa cunsuriyeentii lagu hayay haweenka soomaaliyeed waa inaan udiyaar sanaanaa ganashada waxa aan xaqa ulee nahay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE