AC Milan Oo Ku Guulaystay Supercoppa Italiana, Goolhaye Donnarumma Oo Noqday Geesiga Milan Badbaadiyay Iyo Juventus Oo Rekoodhayaal Lagu Garaacay

Kooxda AC Milan ayaa ku guulaystay koobka Supercoppa Italiana oo finalkii koobkan ay rekoodhayaal 4:3 ah ay ku garaacday kooxda Juveventus. AC Milan ayaa markeeda ka aarsatay Juventus oo bishii May waqtigii dheeriga ahaa ee finalkii Coppa Italia ku garaacday waxaana Juventus rekoodhayaashii ay tuureen lumiyay Mario Mandžukić iyo Paulo Bruno Dybala. Mario Pašalić ayaa AC Milan u dhaliyay rekoodhaha guusha ee Juventus qalbi jabiyay.

Kooxaha Juvnetus iyo AC Milan ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar iskaga hor yimid kulanka  Supercoppa Italiana wuxuuna kulankani ku celi u ahaa finalkii Coppa Italia oo ay sidan oo kale labadan kooxood iskaga hor yimaadeen. Milan oo xili ciyaareedkan horumar fiican samaysay ayaa doonaysay in ay Old Lady koobkan ku garaacday halka Juventus ay doonaysay in ay sii wadato dhaqankii koob ku guulaysiga ee ay caadada ka dhigatay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

JUVENTUS: (4-3-1-2): Buffon; Lichtsteiner, Rugani, Chiellini, Alex Sandro; Khedira, Marchisio, Sturaro; Pjanic; Mandzukic, Higuain.

KAYDKA: Neto, Audero, Barzagli, Benatia, Evra, Coccolo, Hernanes, Lemina, Asamoah, Cuadrado, Pjaca, Dybala.

AC MILAN:(4-3-3): Donnarumma; Abate, Paletta, Romagnoli, De Sciglio; Kucka, Locatelli, Bertolacci; Suso, Bacca, Bonaventura.

KAYDKA:Gabriel, Antonelli, Gomez, Zapata, Honda, Mati Fernandez, Pasalic, Poli, Sosa, Lapadula, Luiz Adriano, Niang.

Kooxaha Juventus iyo AC Milan ayay ka go’nayd in ay koobkan ku guulaystaan taas oo keentay in waqtigii rasmiga ahaa ee 90 ka daqiiqo in ay ku kala bixi waayeen isla markaana ay qasab noqotay in waqti dheeri ah si ay labada kooxood u kala bixi karaan. Waxa uu ahaa kulan si wayn loogu dagaalamay isla markaana uu koox kastaba koobku u muuqday.

QIIQADII 18 AAD GOOOOOOOL! Juvnetus ayaa xili horeba gool kaga naxsatay AC Milan kadib markii uu  Giorgio Chiellini uu gool madax ah ku dhaliyay kubbad qurux badan oo uu  Miralem Pjanić ka soo tuuray koorne waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Juventus hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 38 AAD GOOOOOOOOL! AC Milan ayaa bixisay jawaabtii ugu fiicnayd intii ayna dhamaan qaybtii h–e ee kulankani waxaana goolka ay ciyaarta dib ugu soo laabteen u saxiixay Giacomo Bonaventura kadib marii uu Suso soo qabtay shaqo cajiib ah isla markaana uu muujiyay tayada uu u leeyahay kulamada waa wayn, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

DAQIIQADII 18 AAD GOOOOOOOL! Juvnetus ayaa xili horeba gool kaga naxsatay AC Milan kadib markii uu  Giorgio Chiellini uu gool madax ah ku dhaliyay kubbad qurux badan oo uu  Miralem Pjanić ka soo tuuray koorne waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Juventus hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 38 AAD GOOOOOOOOL! AC Milan ayaa bixisay jawaabtii ugu fiicnayd intii ayna dhamaan qaybtii h–e ee kulankani waxaana goolka ay ciyaarta dib ugu soo laabteen u saxiixay Giacomo Bonaventura kadib marii uu Suso soo qabtay shaqo cajiib ah isla markaana uu muujiyay tayada uu u leeyahay kulamada waa wayn, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

Laakiin labada gool ayaan noqon kuwo kala saaray labada kooxood ee Juventus iyo AC Milan taas oo keentay in 45kii daqiiqo ee qaybtii danbe in ay wax goolal ah kala dhalin waayaan inkasta oo la abuuray fursado tiro badan oo goolal lagu dhalin karayay.

Finallka Supercoppa Italiana ee dhex marayay kooxaha Juventus iyo AC Milan ayay qasab noqotay in lagu kala baxo rekoodhayaal waxaana la soo gaadhay waqtigii ay labada kooxood si dhab ugu baahdeen adeega khabiirka Buffon iyoda’yarka loo arko badalkiisa ee  Donnarumma.

Claudio Marchisio ayaa Juventus u bilaabay wuxuna udhaliyay rekoodhihiisa laakiin  Gianluca Lapadula oo AC Milan rekoodhihii ugu horeeyay u tuuray ayuu Buffon ka badbaadiyay basle wax kastaaba waxay isbadaleenkadib  markii  Mario Mandžukić iyo Paulo Bruno Dybala ay lumiyeen rekoodhayaashii ay tuureen isla makaana ay AC Milan wada dhalisay afartii rekoodhe ee u hadhsanaa waxaana rekoodhaha ay Milan koobkan ugu guulaysatay dhaliyay  Mario Pašalić waxayna Milan koobka Supercoppa Italiana ugu guulaystay 4:3 iyada oo labada kooxoodba ay oohinta xejisan kari waayeen laakiin oohinta Milan ayaa ahayd mid farxadeed kadib markii ay sanado badan ka maqnayd koobabka Italy.

Goolhaye Donnarumma oo 17 sano jir ah ayaa noqday geesa soo nooleeyay xusuustii koob ku guulaysi ee AC Milan isaga oo kulankan ka sameeyay 8 gool badbaadineed intii ay ciyaartu socotay waana gool badbaadintiisii ugu badnayd ee uu kulan ka sameeyay wuxuuna sidoo kale noqday halyayga Milan rekoodhayaasha ugu guulaystay.

W/ Q Mohamoud Batalaale

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran