Dhageyso Afahayeen Ciidamada Deegaanka “Musharax Farmaajo Wuxuu Hagaajin Karaa Tayada Ciidamada Xoogga Dalka”

Col Maxamed Ciise Maxamuud (Deeq) oo ah afahayeenka Ciidamada deegaanka ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda Danan ee magaalada Muqdisho ka warbixiyey sidey u arkaan imaatinka Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Afahayeenka ayaa ugu horeyn sheegay inay soo dhaweenayaan imaatinka Muqdisho ee Farmaajo iyo inuu isu soo taago Xilka Madaxweynenimo Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray hadii uu ku guuleysto xilka loo wada tartamayo in Ciidamada Soomaaliyeed ay heybadooda iyo karaamadooda ay dib usoo laabeyso.

Isagoo sii hadlaya ayaa afayaeenka Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Shabeelada hoose waxa uu bogaadiyey shakhsiyadda Maxamed Farmaajo oo uu ku tilmaamay mid hanan kara awoodda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo hada ku kooban kuwo lagu keenay qaab Beeleed.

Ugu dambeytii Maxamed Ciise ayaa shegay in Ciidamada deegaanka ee Beesha Biimaal ay u dabaal degeen imaatinka Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE