Diyaaradda ALAFRIQIYAH Ee Laga Leeyahay Dalka Libya Oo Ay Saaran Yihiin Rakaab Dhan 118 Qof Ayaa La Afduubtay (Sawiro)

Diyaarad ay leedahay shirkadda AlAFRIQIYAH ee dalka Libya ayaa waxaa maanta afduub u geystay labo nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin taageerayaasha madaxweynihii hore ee Libya Col. Qadafi.

Diyaaradda ALAFRIQIYAH oo lambarkeeda yahay A320 ayaa waxaa nimankii afduubtay ay ku qasbeen inay ku degto jaziiradda Malta, waxaana la xaqiiyey inay saaran yihiin rakaab dhan 118 qof oo ay ku jiraan ajaanib iyo muwaadhiniin u dhashay dalka Liibiya.

Wararkii ugu dambeeyey  ee afduubka diyaaradda la xiriiro ayaa sheegayo in dhowr qof oo rakaabka diyaaradda ka mid ahaa oo caruur iyo haween u badan la soo daayey halka qaar kalena weli lagu haysto diyaaradda dhexdeeda, waxaa la aminsan yahay in ragga diyaaradda lagu dhex haysto ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tisan dowladda Libya oo ka mid ahaa rakaabka diyaaradda ALAFRIYAH.

Labada nin ee diyaaradda afduubtay oo ku hubeysan bambo gacmeedyo ayaa codsaday in xabsiga laga sii daayo Saif al Islam Gaddafi oo ah wiilka madaxweynihii la dilay ee dalka Libya Col. Mucammar Alqadafi.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE