Haweeney Xaamila Ah Oo Caawa Lagu Toogtay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Warara ka imaanaya Degada Afgooye Ee Gobola Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in caawa halkaas lagu dilay mid ka mid ah haweenka deegaanka.

Wararka aan heleyno ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay toogteen Haweeney xaamila ah oo deegaanka deegaanka kasoo jeeda, waxaaana wararka ay intaasi ku darayaan in kooxihii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen.

Dad ku sugan Afgooye ayaa war hordhacah oo ay warbaahinta siiyeen ku sheegay in dableyda Gabadha dishay ay goobta kaga carareen qori noociisu yahay AK47 oo loo maleenayo in uu ahaa kii dilka lagu fuliyey.

Dhainac kale waxa la xaqiijiyey in askarta dilka u geysatay Haweeneyda Xaamilaad ah ay ka amar qaataan horjooge Nuur Xayir Cali, waxaana sidoo kale la xaqiijiyey in Haweeneydan ay kasoo jeedo Beesha Geli, Ilaa hada lama oga sababta dilka keentay, hase ahaatee waxa jira walaac xoog leh oo ay arintan dadka deegaanka ku beertay.

Degmada Afgooye oo ka mid ah deegaanada ay ku xooganyihiin Maleeshiyada kasoo jeeda Maamul Goboleedyada Gakmudug iyo Hirshabelle ayaa si joogta ah waxa uga dhaca dilal iyo falal kale oo lagu waxyeeleeyo Shacabka Masaakiinta ah ee aan hubeysneyn.

Wixii warar ah ee nagu soo kordhan halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa insha allah

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open