Shariif Xasan Oo Horey Qaati Uga Taagnaa Hogaaminta Maamulka K/Galbeed Ayaa Isu Soo Sharaxay Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isu soo sharaxay inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya ee dhowaan la dooran doono. Waxaa sawiro muujinayo musharaxnimada Shariif Xasan oo ku qoran luqadaha Ingiriiska iyo Soomaaliga lagu dhajiyey qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho.

Shariif Xasan oo la aminsan yahay inuu fadhiid ka dhigay maamulka K/Galbeed ayaa hadda ku rajo weyn inuu hogaamin karo Soomaaliya guud ahaan, wuxuuna hadda ka midyahay dadka loo filan karo in uu kusoo bixi karo kursiga madaxtinimo ee dalka.

Dad badan oo xitaa shaki ka qabay in ay run ka tahay musharaxnimada ayaa waxaa hadda u muuqata in uu ka dhabaynayo musharaxnimadiisa.

Arimaha xoojinayo damaca Sharif Xasan waxaa ka mid ah in uu gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federalka Jawaari ku qanciyey in uusan isu soo sharixin xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran