Dhageyso Wararkaii Ugu Dambeeyey Gaari Ay Saarnaayeen Dad Shacab Ah Oo Lagu Rasaaseeyey Duleedka Baydhaba

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa Maanta Gaari ku  rasaaseeyey deegaanka Daynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Gaariga ay saarnaayeen dad shacabka ah ayaa waxaa la sheegay iney si xoog ah  kusoo raaceen Askar ka tirsan Booliska Maamulka Koonfur Galbeed, koox ka tirsan Al-shabaab ayaa rasaas aan kala sooc leheen ku furay dadkii la socday Gaarigaasi.

Inta la xaqiijiyey 6 ruux ayaa ku geeriyootay Tacshiiradaasi waxaana ku dhaawacmay 8 kale,dadka dhintay 2 kamid ah ayaa la sheegay inya ka tirsanaayeen Ciidankii Koonfur Galbeed ee sida xoogga ah kusoo raacay Gaariga la Rasaaseeyey.

Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay Rasaasta ayaa waxaa la gaarsiiyey Cisbitaalada Magaalda Baydhabo, Ciidan ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open