Dhageyso Roobab Khasaare Geystay Oo Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag

Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag ayaa ku waramaya in Roobab ka curteen deegaano ka tirsan Gobolkaasi oo kamid ahaa deegaanada ay sida weyn u saamaysay Abaarta ka jirta Soomaaliya.

Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Roobab lixaad leh oo Dabayla wata ay ka da’een Buuraleyda  Gobolka Sanaag,Roobabka ayaa la tilmaamay iney ku dhinteen xoolo gaaraya 500 oo neef oo Ari ah.

Deegaanada ay roobabka Dabaylaha wata ka da’een ayaa waxaa ka jirtay Abaar baahsan oo saamayn ku yeelatay dadka iyo Duunyada, dhawaan ayey ahayd Markii sidan oo kale deegaanada Xeebaha ku teedsan ee Puntland ay ka bilowdeen Roobab xooggan oo ay dadku ku diirsadeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE