Dhaqanka La Yaabka Leh Ee Degmada Baraawe Iyo Geella Oo Sida Dameeraha Camal Loo Raro (Video)

Magaalada Baraawe ayaa waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu faca weyn dalka Soomaaliya, waxayna door weyn ka qaadatay fidinta ”Diinta Islaamka” iyo weliba dhanka ganacsiga iyo beeraha dalka Soomaaliya.

Magaaladan Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa ay leedahay dhaqan ka duwan kan laga yaqaano dalka Soomaaliya intiisa kale, iyadoona magaaladani ay ahayd mid ay daganaan jireen dad ka kalayimaaday qaarado kala duwan sida dad ka yimid bariga dhexe iyo kuwo ka yimid qaaradda Aasiya/ama Bariga fog.

Dadka magaaladani ku nool ayaa tusaale ahaan waxa ay rartaan Geel, waana meesha kaliya ee dalka Soomaaliya geela sidii Dameerkii oo kale looga adeegsado.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran