Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Beelaha Waqooyi Oo Dib U Dhac Uu Ku Yimid

Waxa maanta lagu balansanaan in magaalada Muqdisho ay ka qabsoonto doorashada xubnaha aqalka sare ee Beelaha kasoo jeeda Deegaanada Somaliland, waxaana jira dib u dhac ku yimid doorashada.

Warsaxafaadeed kasoo baxay Gudiga Doorashada ee heer fedaraal ayaa lagu sheegay in ay jirin cid iyaga aheyn oo jaan goyn karta xilliga ay qabsoomeyso doorashada aqalka sare.

Gudiga doorashada ee Beelaha Waqooyi ayaa horey usoo saaray in doorashada xubnaha aqalka sare la qabanayo 24-ka Bishan oo maant a ku beegaan, iyadoo la xaliyey dhamaan tabashooyinkii jirey, waxaana jirin doorasho maanta ka dhceysa magaalada Muqdisho.

Sida ku cad warsaxaafadeedyada labada gudi waxa muuqanaya in uu khilaaf ka dhex jiro cidda go’aanka iska leh, iyadoo maanta la joojiyey doorashooyinkii aqalka hoose ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Beelaha Waqooyi ee ilaa iminka la doortay ayaa gaaraya ilaa 29 xildhibaan, waxa ku harsan 17 mudane.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open