Golaha Qaramada Midoobe Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Deegaameynta Yahuuda Ee Daanta Galbeed

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobeey ayaa codeeyay qaraar aysan jecleysan Israa’iil, kaas oo ku baaqaya in la joojiyo dhismaha guryaha Yuhuudauga socda Daanta Galbeed iyo Qudus, Waxayna  Codeynta dhacday ka dib markii Mareykanka uu diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee VETO.

Qabyo qoraalka oo ay soo diyaarisay Masar ayaa dib loo celiyay ka dib markii Donald Trump uu sidaasi codsaday,  Balse, Dalal ay ka mid yihiin, Malaysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa diiday oo markale gudbiyay qoraalka.

Mareykanka ayaa horey loogu garanayay inuu is hortaago in UN ay cambaareyso Israa’iil,  Sidoo kale Saraakiisha Israa’iil ayaa codeynta kadib waxay cambaareeyeen sida Mareykanka uu u dhaqmay.

Arrinta dejinta dadka Yahuudda ah, dhulka Falastiin waa xaaladda ugu xun ee labada dhinac hadda u dhexeyso, taas oo loo arko inay caqabad ku tahay wadahadallada nabadda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran