Iska Hor Imaad Kooban Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Marka Iyo Mooryaanta Habargidir Oo Dharbaaxo Kulul Kala Kulmay Ciidamada Deegaanka

Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in maanta dagaal kooban uu dhacay qeybo ka mid ah Magaalada.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Mooryaan ka tirsan kuwa kasoo hayaamay Gobolada dhexe ee Gacan saarka la leh Maleeshiyada Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen mid ka mid ah difaacyada Ciidamada deegaanka ay ku leeyihiin Xaafadda Beyturaas ee magaalada Marka.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ee Marka ka howlgala ayaa Markacadey.com u sheegay in dagaal kooban uu ka dhacay inta u dhaxeysa Dooxa magaalada ilaa Masaajidka Xaaji Muxsin, waxana ay saraakiishu intaa ku dareen in Ciidamada deegaanka ay iska caabiyeen Maleeshiyada Sharwadayaasha ee la shaqeysta Alshabaab.

Ma jiro inta la ogyahay wax khasaara ah oo soo gaaray Ciidamada deegaanka ee Maanta dagaalka Kooban la galay Sharwadayaasha, waxaana dhinaca kale lasoo sheegayaa in ay jiraan khasooyin kala duwan oo la gaarsiiyey dhinaca duulaanka soo qaaday.

Inta badan dagaalada ka dhaca magaalada Marka oo u muuqda kuwo ay naf isaga raadiyaan Mooryaanta ku go’doonsan qeybo ka mid ah Marka ayaa dharbaaxooyin kulul waxay ka kula kulmaan Ciidamada Difaaca deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran