Ku Simaha Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Oo Maanta Soo Xiray Xaflad Shahaadooyin Lagu Gudoonsiinayey Ardey (Sawiro)

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Koonfur galbeed ayaa Maanta ka qeyb galay Xaflad loo qabtay Ardey dhameystay Kulliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo.

Xubnaha ka qeyb qaatay Xafladda ayaa waxa ka mid ah Ku Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi, Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Cabdulahi Maxamed Cali Watiin, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo mas’uuliyiin kale.

Munaasabdda ayaa waxa daah furey Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay oo ku dheeraaday ka hadalka heerarka kala duwanaa ee wax ku soo barteen Macalimiintan maanat Shahaadooyinka la gudoonsiiyey.

Munaasabadda ayaa waxa soo xirey ku simaha Madaxweynaha K/galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Faqe, waxaana uu sheegay in Maamulka uu soo dhaweynayo Maclimiinta maanta la gudoonsiiyey shahaadoooyinka Jaamcadda Koonfurta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.

Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee ku taala Magaalada Baydhabo ayaa waxa ka qalin jabisay Ardey Gaareysa 45 Ardey oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE