Maamulka Jubbaland Oo Markale Soo Bandhigay Maleeshiyaad Kasoo Goostay Alshabaab (Video)

Maamulka Goboleedka Jubbaland ayaa markale magaalada Kismaayo kusoo bandhigay Maleeshiyaad horey uga mid ahaa kooxda Alshabaab.

Ilaa far qof oo ka tirsanaa Alshabaab ayaa oo isku soo dhiibay Maamulka Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay xarunta Nabadsugidda ee Kismaayo, waxaana Taliska uu goota ka aqriyey magacyada shakhsiyaadka isa soo dhiibay.

Maleeshiyaadka isa soo dhiibay ayaa ka faalooday sababaha ka dambeeya inay isa soo dhiibaan waxaana ay baaq u direen kuwa weli ku jira duurka ee aaminsan fikirka xagjarnimada ee Alshabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa shalay isla magaalada Kismaayo kusoo bandhigay laba horjooge oo ka tirsanaa Alshabaa kuwaas oo sheegay inay kasoo baxsadeen deegaanka Alshabaab ka dib markii ay ka dib markii ay lasoo xiriireen Maamulka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran