Nabadoon Caan Ah Oo Lagu Dhex Dilay Beertiisa Degmada Afgooye

Waxaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay dil loo geystay mid ka mid ah nabadoonada degmada Afgooye xili uu ku sugnaa beertiisa oo ku taalo duleedka degmada.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabayey Nabadoon Aweys Cali Islaaw ayaa waxaa dilkiisa fuliyey Laba dabley oo Bistoolada ku hubeysnaa.

Waxaa sii badanaayo tacaddiyada degmada Afgooye loogu geysaaayo dadka birimageydada ah ee deegaanka iyadoo maalintii shaley lagu isla degmada lagu dilay gabar ku sugneyd suuqa Degmada Afgooye taasoo loo dilay inay bixin weeysay lacag dhan 20.000 (labaatan kun Sh So.).

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open