Wararkii Ugu Dambeeyey Dil Loo Adeegsaday Tooorey Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in maanta halkaasi lagu dilay mid ka mid ah dhalinyarada deegaanka.

Dilka oo ka dhacay deegaanka Garasbaale ee duleedka Muqdisho ayaa loo adeegsaday Toorey waxaana la sheegayaa in loo geystay Wiil dhalinyara ah oo deegaanka ku dhaqnaa.

Goob joogayaala ku dhaqan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dilka uu yimid ka mid ka dib markii ay murmeen marxuumka iyo gacan ku dhiiglaha, waxaana ka dib dhacay dilka oo loo adeegsaday Toorey.

Labada ruux ee muranka uu dhex maray ayaa la sheegayaa in ciyaarayeen Ciyaarta Turubta, mana la oga sababta keentay in ay gacan ka hadal sameeyaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo goobta dilku ka dhacay gaaray ayaa gacanta kusoo dhigay gacan dhiiglaha, waxaana la xaqiijiyey in ninka dilka geystay loo kaxeeyey dhinaca xarunta Dembi baarista ee Muqdisho.

Deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhaqan dad u badan Barakacayaal, waxaana labadan qof ee ku murmay ciyaarista Turubta ay ka mid ahaayeen barakacayaasha deegaanka ku dhaqan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open