Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Ruushka Oo Ku Burburtay Badda Madow

Diyaarad Military oo laga leeyahay dalka Ruush islamarkaana ay saaranyihiin 91 qof oo ay ku jiraan xubno ka mid ah  Ciidan, ayaa shil ku galay Badda Madow wax yar ka dib markii ay duushay sida uu sheegay Wasaaradda difaaca dalka Ruushka.

Wakaaladaha wararka Local, oo soo xiganaysa wasaaradda difaaca, ayaa sheegay in diyaaradda oo nooceedu yahay Tu-154 ay ku dhacay Koofurta magaalada Adler oo ku talla koonfurta Ruushka saacadda markii ay ku beegneyd 5:40 am waqtiga maxalliga ah (02:40 GMT) maanta oo axad ah.

Afhayeen u hadlay wasaarada difaaca ayaa u sheegay warbaahinta Ruushka in diyaaradda ay ku socotay dalka Suuriya.

Wararka kale oo laga helayo magaalada Moscow ayaa ku waramaya in rakaabka diyaaradda saran ay ka mid ahaayeen suxufiyiin, shaqaalaha militariga iyo xubnaha fanaaniin ah oo loogu talagalay in heeso ay ka qaadaan Ciidamada Ruushka ee Siiriya jooga.

Diyaaradan ayaa waxay kusii jeeday magaalada Latakiya ee dalka Siiriya halkaas oo xarun Milateri ay ku leeyihiin Ciidamada Ruusjka, waxaana kooxaha Fanaaniinta ay doonayeen in xaflado ay u tumaana Ciidamada Sanadka cusub.

Source: Al Jazeera

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE