Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose Ee Beelaha Kasoo Jeeda Gobolada Waqooyi Oo Maanta Markale Dib Kaga Bilaabaneysa Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa lagu wadaa in ay dib kaga bilaabanto doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Doorashada oo maalmo hakad la geliyey ayaa maanta marka lagu tartami doonaa, waxaana jira loolan adag oo u dhaxeeya musharaxiinta qaarkood kuwaas oo kaambeyn ugu jira sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kuraasta loo tartamayo.

Maalmaha qaar ayaa wax hakad gala doorashada xilhdibaanada aqalka hoose ee laga soo dooranayo Beelaha Gobolada Waqooyi, mana la shaaciyo sababaha keena dhib u dhacyadaas.

Kuraasta maanta lagu tartamayo oo gaareysa ilaa afar kuri ayaa waxay isugu jiraan xubnaha u tartamaya kuwo horey xil usoo qabtay iyo kuwo hada ku cusub tartanka, waxaana kuraasta ay noqon doonaan iyadoo laba ka mid ah ay ku tartamayaan haween halka labada kale ay ku tartamayaan rag.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE