Mid Ka Mid Ah Dalalka Ku Yaalla Bariga Yurub Oo Ra’isul Wasaare Loo Magacaabay Haweeney Muslimad Ah (Sawiro)

Madaxweynaha dalka Romania Kalaus Johanis ayaa u magacaabay Haweeneyda lagu magacaabo Sevil Shahaydeh inay qabato xilka Raisul wasaaraha wadankaas.

Haweeneydan oo ka tirsan Muslimiinta tirada yar ee ku nool dalkaasi ayaa markii xilkaas loo magacaabay la yaabtay, maadaama aysan magac ku laheyn siyaasada wadankaasI ka jirta, Sevil Shahaydeh oo 52 jir ah waxay muddo 6 bilood mar soo noqotay Wasiirka Horumarinta Gobaleedka sannadkii hore.

Maalmaha soo socda ayaa Sevil Shahaydeh loo dhaarin doonaa xilkan iyadoo noqoneysa qofkii ugu horeeyey oo muslim ah ee Raisul wasaare ka noqota dal ku yaalla Qaarada Yurub.

Romaniya oo ku taalla bariga qaarada Yurub ayaa xiligii dagaalkii qaboobaa ka tirsanaan jirtay dowladihii xulufada la ahaa Midowgii hore ee Soofiyeeti, waana dal dhaqaalihiisu aad u hooseeyo marka la eego horumarka ka jira inta badan dalal kale ee qaarada Yurub.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE