Rag Lala Xiriirinayo Kooxda Daacish Oo Lagu Qabtay Magaalada Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa lagu qabtay rag lala xiriinayo inay ka tirsanyihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta Gobolka Bari ee Soomaaliya.

Ragan oo gaaraya ilaa 3 nin ayaa looga shakisanyahay inay ka mid ahaayeen Maleeshiyaadka ka amar qaata wadaadka lagu magacaabo C/qaadir Muumin ee ka dagaalama Buuraha Galgala iyo deegaanada hoos taga Magaalada Boosaaso.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowlada ee Beledweyne ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in ragan ay ka tirsanyihiin kooxda Daacish islamarkaana ay kasoo dagaalameen deegaanada Maamul Goboleedka Puntland.

Col Aadan Maxamed oo wareysi siiyey warbaahinta gudaha ayaa tilmaamay in ragan gacanta lagu dhigay lagu soo qabtay howlgaal qorsheyn oo laga sameeyey goobo ay ku dhuumaaleysanayeen, waxaan uu hadalka intaa raaciyey in lagu wareejiyey Ciidamada Nabadsugidda si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo.

Qaar ka mid ah Gobolada dalka ayaa xilliyada qaar waxa lagu qabtaa rag kala duwan oo xiriiro la leh kooxo diimeedyada ka jira Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE