Tirada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Maamul Goboleedyada Oo La Kordhiyey Iyo Saami-qeybsiga Beelaha Oo Is Bedelaayo

Waxaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka socday Kulan u dhexeeyey hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga ee ka kooban Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda Federalka. Is-mari-waa qaatay waqti badan kadib ayaa waxaa kulankaas laga soo saaray go’aamo.

Mid ka mid ah go’aanadii ugu waaweynaa ee kasoo baxay shirka madasha hoggaamiyeyaasha ayaa waxaa ka mid ahaa in la kordhiyey tirada xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka , waxaana maamul goboleed walbo loogu siyaadiyey min 3 xubnood oo dheeraad ah.

Kordhinta lagu sameeyey tirada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxay saameyn balaaran ku yeelaneysaa Saami-qeybisga beelaha Soomaaliyeed iyadoo beelaha qaarkood ay ku kala firdhisan yihiin labo maamul goboleed sida beesha Biimaal oo degto maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Arrintani ayaa waxa ay timid kadib markii la’isku mari waayay qoondada gobolada waqooyi ee Aqalka Sare iyo qaabkii loo qeybiyey, sidaasi darteedna waxaa xal loo arkay in lagu wada daro.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE