Ciidamo Badan Oo Caawa Lagu Daadiyey Wadooyinka Magaalada Muqdisho Iyo Howgallo Culus Oo Socda

Qaar ka mid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa caawa laga dareemayaa mashquul xad dhaaf ah iyadoo ay socdaan howgallo culus.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ayaa waxa lagu soo daadiyey wadooyina halbowlaha ee ku yaalla magaalada Muqdisho si ay usugaan amniga.

Wadooyinka Ciidamada lagu daadiyey ayaa waxa ka mid ah Wadada Makka Almukarama iyo Wadada Wadnaha, waxaana Ciidamada ay baarayaan dhamaan gaadiidka dad weynaha iyo kuwa raaxada ee wadooyinka isticmaalaya.

Dad ku sugan goobaha sida aadka ah loo ilaalinayo ee Ciidamada lagu soo daadiyey ayaa warbaahinta u sheegay in wadooyinka mashquul xoogan ay yihiin waxaana ay tilmaameen in Ciidamada wadooyinka ku sugan ay ka feejiganyihiin weeraro argagaxisa ah.

Qaar ka mid ah degmooyinka sida Waaberi iyo Xamar Jajab ayaa waxa Ciidamada ay ka wadaan howgallo amniga lagu xaqiijinayo halka Ciidamada ay baaritaano ku wadaan Guryaha qaar ee degmooyinkaas ku yaalla waxaana howlgallada oo weli socda lagu soo qabqabtay dhalin yaro badan oo lagu tuhunsanyahay inay ku lug leeyihiin amni darada Muqdisho.

Ugu dambeyntii howlgalladan ayaa imaanaya iyadoo maalinta berita ah lagu wado in magaalada Muqdisho lagu dhaarinayo Xildhibaanada Baarlamaaanka Fedaraala ee lagu soo doortay magoolooyinka ay ku shaqeeyaan Maamul Goboleedyada dala ka jira.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open