Deg Deg Howlgal Lagu Laayey Koox Miiniisteyaal Alshabaab Ah Oo Ka Dhacay Deegaanka Ceelwareegow

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ku waramaya in howlgal qorsheysan lagu dilay koox Miineiistiyaal Alshabaab ah uu ka dhacay meel ku dhow deegaanka Ceelwareegow.

Howlgal qorsheysan oo ay qaadeen Ciidamada Deegaanka ayaa waxa lagu beegsaday koox ka tirsn Argagaxisada Alshabaab oo Miino ku aaseysay inta u dhaxeysa Ceelwareegow iyo Deegaanka Buulo-naagey.

Warar hordhac ah oo nasoo gaaraya ayaa ku waramaya in Ciidamada deegaanka ay halkaasi isku fara saareen ilaa seddax Maleeshiya ah oo xilliga la wareeraraayey Miino ku aasayey halka howlgalka uu ka dhacay.

Laba ka mid ah Saddaxda Maleeshiyo ayaa goobta lagu dilay, waxaana lagala wareegay hubkii ay wateen oo isugu jira Bistoolado, Bambooyin iyo Mooto ay gaadiid ahaan u isticmaalyeen, waxaana Ciidamada deegaanka ka baxsaday mid ka mid ah dhagar  qabayaasha.

Sarkaalka horkacayey Ciidamada maanta howlgaka sameeyey ayaa Markacadey.com u sheegay howlgalka uu si guul ah kusoo idlaaday, waxaana uu ka gaabsaday in faafaahin uu ka bixiyo wararka kale  ee howlgalkooda la xiriira, waxaana uu sheegay in saacadaha soo aadan ay soo bandhigi doonaan qalabka ay qabteen iyo Meydadka dhagar qabayaasha.

La soco goor dhow warbixin intaa ka faahfaahsan

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open