Dhageyso Faafaahinno La Xiriira Dagaal U Dhaxeeya Alshabaab Iyo Xoola Dhaqato Ka Dhacay Tuulo Ku Dhow Deegaanka Cabdale-Biroole Ee Juabada Hoose

Dagaal xoogan oo u dhexeeya dad Xoolo dhaqato ah iyo Al-shabaab ayaa Maanta ka dhacay deegaan hoos taga Tuulada Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose oo 45-KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Dagaalka oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yaaq-Bishaaro ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa deegaankaas,Al-shabaab ayaa doonayey iney dhscaan Xoolo ay lahaayeen dad reer Miyiga ah.

Dadka Xoolo dhaqatada ah ayaa dagaal kala horyimid Maleeshiyada Al-shabaab, Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in 2 qof oo ka mid ah dadka shacabka ah ee xoola dhaqata ah dagaalka aya ku geeriyoodeen halka qasaare xoogan la gaarsiiyey Maleeshiyada baneysatay dhaca Xoolaha dadka iyo dhiiga Masaaiinta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran