Faafaahinno Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Duqeyn Diyaaradeed Oo Xalay Ka Dhacday Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imanaay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed xalay ay ka dhacday meel duleedka kaga beegaan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Ilaa laba diyaaradood ayaa lagu soo waramayaa inay duqeeyeen deegaan lagu magacaabo Waay-arag oo u dhexeyso Afgooye iyo deegaanka Muuri, waxaana halkaas ku sugnaa sida aaminsanyahay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab gaar ahaan rag Miino dhigista u qaabilsan Shabaab.

Khasaare kala duwan ayaa lasoo sheegayaa in la gaarsiiyey kooxda ku sugneyd saldhiga la wareeraya, welina ma cada inta uu la egyahay khasaaraha goobta ka dhashay.

Saldhigyada ay ku dhuumaaleystaan Alshabaab ayaa inta badan waxa ka dhaca duqeymo iyo weeraro toos, waxaana weeraradaas ay sababaan khasaarooyin kala duwan oo soo gaara Maleeshiyada, sidoo kale weerarada ayaa waxay abuuraan kala shaki xoog leh oo soo kala dhex gala Alshabaab.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open