Jaaliyadda K/Galbeed Ee Dalka Sacuudiga Oo Xaflad Soo Dhoweyn U Sameeyey Wasiirka Howlaha Guud Ee Dowladda Federalka Eng. Saalax Sh. Cismaan (Sawiro)

Jaalliyada Koonfur galbeed ee wadanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaflad soo dhaweeyn ah u sameeyay waziirka Howlaha-guud ee Dowlada federalka Soomaaliya Inj.saalax sh.cismaan.

Soo dhoweynta Eng Saalax ayaa ku soo beegantay xili uu Madaxweynaha fadhiidka ah ee Koonfur galbeed Shariif Xasan uu ku suganyahay isla wadanka sacuudiga kaasoo aanay jaaliyadda wax soo dhaweeyn ah u sameeynin,

Jaaliyadda K/Galbeed ee dalka Sacuudiga ayaa si adag uga soo horjeedo habdhaqanka gurracan iyo Cadaalad daradii ka dhacday Doorashooyinka ee Koonfur galbeed.

Waxgaradka K/Galbeed ayaa Shariif Xasan ku eedeeyey wax karti la’aan, waxqabad xumo iyo horumar la’aan isla markaasina uu si Sharci daro ku haaysto Hogaanka Koonfur galbeed.

Xaflada soo dhaweynta waziirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeymaha Bulshada ee jaaliyadaha Koonfur galbeed ka kooban yihiin.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open