Shir Looga Hadlayo Aayaha Beesha Biimaal Oo Ka Furmay Guriga Wasiir Maclin Barre Ee Muqdisho Iyo Qodobo Hordhac Ah Oo Lasoo Saaray (Sawiro)

Shirkan oo la sheegay in looga hadlayo aayahay Beesha Biimaal ayaa waxa uu ka socdaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wajigii laabaad ee shirka oo maanta qabsoomay ayaa lagu qabtay Guriga Magaalada Muqdisho uu ka degenyahay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Maamulka K/galbeed ahna Xildhibaan Macalin Barre waxaana lagu marti qaaday Odayaal iyo dhalanyaro.

Shirankan oo ay soo qaban qaabiyeen Nabadoonada Shanta ah ee Biimaal Sida Nabadoona Xasan  Cali Cumar, Nabadoon Kulle Abiikar Muudey, Nabadoon Xaaji Ibraahim Axmed Barow, Nabadoon Maxamed Cumar Fanax, Nabadoon Daa’uud Hudle kheyre ayaa waxa lagu marti qaaday Odayaal uu ku jiro Maxamed Abuukar Timagaduud iyo kuwo kale.

Dhanaca kale shirka waxa lagu marti qaaday Gudoomiyeyaasha Dibad joogga ka ah degmooyinkooda Sida Marka iyo Janaale Gudoomiyeyaasha Kala ah Xasan Cumarey iyo Maxamed Idiriss waxa sidoo kale shirka lagu marti qaaday Saraakiil Ciidan oo Beesha Biimaal kasoo jeeda iyo aqoonyahaano.

Inta uu socday Shirka ayaa laga wada hadlay dhibaatooyinka aan dhamaadka laheyn ee ragaadiyey Beesha Biimaal oo ay sababeen Odayaal ismagaacaabay oo boobay xilalkii dhaqanka ee Beesha iyo siyaasiyiin Calooshooda u shaqeystayaal ah oo xilal ku helay dhiigga shuhada naftooda u hurey xoreynta Deegaanada ay degto Beesha Biimaal.

Sidoo kale shirka ayaa lagu lafa guray boobka qaar ka mid ah kuraasta xildhibaanada Beesha oo qaab qaldan loo maamulay arintaas oo ay sameeyeen kooxo ku midoobay inay dhacaan dhamaan kuraasta ay Beesha ka hesho K/galbeed iyo dowlada dhexe.

Arimaha sida tusaalooyinka loosoo qaatay ayaa waxa ka mid ahaa Ibraahin Cali Xaaji oo walaalkiis isugu dhiibay ilaa seddax darajo oo saami ahaan ay iska laheyd Beesha sida Xildhibaan ka tirsan K/galbeed, Wasiir ku xigeen K/galbeed iyo xubin ka mid ah xubnaha aqalka Sanadka ee Beesha Biimaal ay ka heshay deegaanada K/galbeed iydoo ay jiraan aqoonyahaano iyo dad waaya arag ah oo lagu aamini karo xilalka.

Waxa jiri doona shirar kale oo lagu amba qaadayo shirarka looga tashanyo aayaha Beesha Biimaal waxaana shirka soo socda oo lagu go’aamin doona qodobada leysku raacay ayaa waxa balan qaaday in uu Gogoshiisa dhigi doon Suldaan C/weli C/raxmaan Mubaarak oo ka mid ah Salaadiinta Beesha Biimaal.

Qodobada sida hordhaca leysugu raacay ayaa waxa laga xusi karaa in Beesha Biimaal aayaheeda aan gacanta loo gelin kooxo Maafiya ah oo magaca Beesha wax walba ku dhaca, iyadoo sidoo kale lasoo jeediyey in Beesha aanay weligeed laheyn Suldaan isaga kaligii wax maamula.

Waxa meesha ka cad in hada lagu baraarugay dhibaatooyinka soo jireenka ahaa oo Ibraahin Cali Xaaji iyo kooxdiisa ay ku haayeen Beesha Biimaal muddo sanada ah soo jiitameysay.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open