Wararkii Ugu Dambeeyey Ciidamo Ka Tirsan Kuwo Dowlada Oo Ku Dagaalamay Gobolka Shabeelada Dhexe

Ciidamo ka wada tirsan kuwo dowlada Fedaraalka ayaa dagaal culus wuxuu ku dhex maray deegaan ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe.

Wararka ka imaanaya Shabeebada dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamada dagaalkooda uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Towfiiq oo qiyaas ahaan u dhow deegaanka Xawaadley, waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyaha Degmada Balcad ayaa xaqiijiyey dagaalka dhex maray labada Ciidan oo ka wada amar qaata Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay in Maamulka Gobolka in uu soo fara geliyo dagaalka iyo xiisadda ka taagan Tuulada Towfiiq.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Balcad ayaa dagaalka dusha u saariyey laba Sarkaal oo ka wada tirsnaa Ciidamada halkaasi ku sugan, ilaa iminkana lama oga sabanta ka dambeysa in dagaal gacan ka hadal ah uu dhaco, Weli waxa jirta xiisad ka taagan deegaanka ay isku fara saareen Ciidamada dowlada.

Inta badan deegaanada ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowlada Xasan Sheekh ayaa waxa ka dhex dhaca gacan ka hadal sababa khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana gacan ka hadalada qaarkood ay sababaan saameyn xoogan oo ay ku yeeshaan bulshada lagu dul dagaalamayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran