Xiisad Dagaal Oo U Dhaxeysa Puntland Iyo Galmudug Ayaa Ka Taagan Magaalada Gaalkacyo Iyo Dagaal Kooban Oo Xalay Dhacay

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana laga cabsi qabaa in markale magaalada lagu dagaalamo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xiisaddu ay ka dambeysay ka dib markii ciidamada labada dhinac oo kala shakiyay ay madaafiic xalay isku weydaarsadeen magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada oo kala cabsaday ayaa xalay dagaal kooban wuxuu ku dhex maray xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waana tan keentay iney soo laabato cabsida ka taagan magaalada.

Labada maamul ayaa midba midka kale sheegayaa inuusan u diyaarsaneyn dagaal uuna dooneyn in hishiiskii la gaaray la jibiyo, balse xiisada ayaa u juuqata mid wali taagan.

Dadka Gaalakcyo ku dhaqan waxaa soo wajahay cabsi ay ka qabaan iney markale qax iyo dagaal la kulmaan, iyadoo ay kala xeranyihiin xaafadaha qaar ee magaalada Gaalkacyo, balse gudiga nabad galyada ayaa wadda dadaalo xiisada lagu qaboojinayo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la joojiyo Dagaalka Magaalada Gaalkacyo, lagana shaqeeyo nabada Magaalada Gaalkacyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open