Akhriso Xildhibaanada Kuraastooda La Laalay, Beelaha Ay Kasoo Kala Jeedaan Iyo Maamulada Laga Soo Doortay

War-murtiyeedkii ay soo saareen hogaamiyeyaasha Madasha wadatashiga qaran ayaa waxa lagu laalay ilaa 5, kuris oo ka mid ahaa 11 kursi oo horey ay usoo gudbiyeen Gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Xildhibaanada lasoo doortay ee kuraastooda dib loo celinayo ayaa waxa laga soo kala doortay shanta Magaalo madax ee Maamul Goboleedyada dalka,waxaana maamul kasta uu ku leeyahay min hal Mudane oo doorashadiisu dib loogu laaban doon.

Sidoo kale Madasha ayaa ku wargelisay Gudiga Doorashooyinka in Kaararkooda aqoosiga la siiyo 7 xildhibaan oo horey uga mid ahaa kuraasta la laalay.

1-Maxamed C/laahi Xasan Nuux  Hirshabelle (Hawiye- Gugundhabe )
2-C/qaadir Maxamuud Gaafow Galmudug (Hawiye-Murusade)
3-C/laahi Maxamed Aadan Jubbaland (Hawiye- Gaaljecel)
4-Cabdi Maxamuud Maxamed Puntland (Daarood Ugaar Saleebaan)
5-Sheekh Shaacir Sh.Maxamed K/galbeed (Digil, Macallin Weyne)

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran